Posts

Dadku kala ayaan roon

Image
  Dadku kala ayaan roon Ama kala aqoon dheer Ama kala asluub weyn Hadaan eed la doonayn Ama deeq Illaahay Asaraar ka taagnayn Dadku eexo kaa gelin Inan yahay la'aantaa Dumar lama abuureen Gabadh lama ammaaneen Jacayl looma ooyeen Geed beer udgoon iyo Ku dhex-yaal ugbaadoo Ubax iyo man fuulaay Ulihii madheedhkee Iimey ku yaalliyo Ilo wada xareedoo Nafta lagu illaawaay Dayaxoo iftiimoo Arladoo dhan gadhoo Afar iyo tobnaadaay Qorraxdoo aroortii Dhulka soo abbaartoo Sagal iid dhex joogtaay Waxaad tahay adduunyada Dhexda udubka haystoo Xejiyoo adkeeyoo Af-gobaadsan maayoo Qurux lama amaahdee Ashkir geenyo ugubey Adhaxdiyo laf-dhabartiyo Sanbabbada agtoodiyo Ililaha halbowlaha Eebaa ku mudanoo Arrintii cuslaatoo Naftu aammusnaantii Iimaansan weydoo Amaleey jacaylkii Soo dhaafyey uurkoo Afku haysan waayoo Goortaan ogaade...

Maansada dhaqan abwaan canbuur

Image
Kulanti wacan maanso qiimo badan abwaan canbuur Dhaqankii awoowiyo Dhaxalkii adoowgeen Sowtan layska dhigay Dhinac maray dadkenii Dhalinteeni fiicnayd Dhadigiyo labkoodba Sowkuwan is rogay dhalan Hablii dhiibsanaaye  Labeen dhayda laga helo Intoo ay ku dhaashtaan Midabyaroo dhalaaliyo Dheeh wacan lahaa Sowkan is dhalan rogay Dhudhumada cagaa iyo Sowtan dhabanadoodii Dhiiga ay u egyihiin Hadii aan dhaliilaa  Sii wado dhibaatada Dhaliniyo warkeedii Dhanka kale u fiirsada Inamadii dhisnaan jira Garta dhiibi jiray waa Intow caano geel dhalay  Dhiil culan ku maal Hawlaha dhamayn jira Iyaguna waa dhalan roge  Sidii ooy dhindhimanyiin Dhardaloola waa kuwan Ku dhexmaraya Dhibna aanay la ahayn By abwaan maxamed kayse cumar              ((((((((((((((((Canbuur))))))))))))))))