Maansada dhaqan abwaan canbuur

Kulanti wacan maanso qiimo badan abwaan canbuur












Dhaqankii awoowiyo
Dhaxalkii adoowgeen
Sowtan layska dhigay
Dhinac maray dadkenii
Dhalinteeni fiicnayd
Dhadigiyo labkoodba
Sowkuwan is rogay dhalan

Hablii dhiibsanaaye 
Labeen dhayda laga helo
Intoo ay ku dhaashtaan
Midabyaroo dhalaaliyo
Dheeh wacan lahaa
Sowkan is dhalan rogay
Dhudhumada cagaa iyo
Sowtan dhabanadoodii
Dhiiga ay u egyihiin

Hadii aan dhaliilaa 
Sii wado dhibaatada
Dhaliniyo warkeedii
Dhanka kale u fiirsada

Inamadii dhisnaan jira
Garta dhiibi jiray waa
Intow caano geel dhalay 
Dhiil culan ku maal
Hawlaha dhamayn jira

Iyaguna waa dhalan roge 
Sidii ooy dhindhimanyiin
Dhardaloola waa kuwan
Ku dhexmaraya
Dhibna aanay la ahayn

By abwaan maxamed kayse cumar
             ((((((((((((((((Canbuur))))))))))))))))

Comments

Popular posts from this blog

Dadku kala ayaan roon